Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Martida: Xassan Shire Sheekh


Ciidama AMISOM ee ku sugan magaalada MARKA ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu eedaynayaa inay dileen lix qof oo ku sugnaa xaflad aroos, bishii July 31-keedii 2015.

Horey dowladda Somalia iyo maamulka koonfurgalbeed ayaa u sheegay inay guddiyo soo baara arintan u saaraan.

Dhinaca kale, waxaa jira dad rayid ah oo wax ku noqday duqeymo ay ciidamada shisheeye ee Somalia jooga u geysteen gaar ahaan gobolada bay iyo bakool.

Hadaba arrimaha xuquuqda aadanaha ee Somalia iyo dalalka Kenya iyo Ethiopia ee deriska la ah ciidamana ay ka joogaan Somalia ayaan ku eegeynaa barnaamijkeenna Martida makaroofanka ee todobaadkan.

Barnaamijka waxaa marti ku ah Xassan Shire Sheekh, madaxa hey’adda difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Bariga Africa oo ku suggan magaalada Kampala dalka Uganda.

Barnaamijka oo dhameystiran halka hoose ka dhageyso:

Dhageyso Barnaamijka Martida Makaroofanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:30 0:00

XS
SM
MD
LG