Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Axmed Madoobe oo ku Guulaystay Doorashada


Axmed Maxamed Islaan "Axmed Madoobe" ayaa loo doortay madaxtinimada maamulka Jubba, kadib markii uu ku guuleystay doorasho ka dhacday Kismaayo.

Axmed Madoobe oo ahaa xilka madaxtinimada maamulka hore u hayay ayaa waxaa u helay 68 cod oo ka mid ah ahaa codadka 75 xildhibaan ee baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Doorashada waxaa Axmed kula tartamayay 3 musharrax.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa isla maanta loo dhaariyay xilka.

Guuleed Xuseen Qaasim, wasiirka Boostada ee dowladda Somalia oo ka mid ahaa wasiirro ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa VOA u sheegay in doorashada Axmed Madoobe ay ahayd mid si xalaal ah u dhacday.

XS
SM
MD
LG