Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Soomaali xabsi daa'in lagu xukumay


Burcad Badeed Soomaali ah
Burcad Badeed Soomaali ah

Maxkamad racfaan oo federaalka Mareykanka ah oo ku taalla gobolka Virginia, ayaa khamiistii xukuntay in shan burcad badeed Soomaali ah ay noloshooda xabsiga ku dhameysan doonaan, sababo la xiriira weerar aan guuleysan oo sanaddii 2010-kii ay ku qaadeen Markab ay lee yihiin ciidamada badda Mareykanka oo ay ku qaldameen.

Guddi xaakimiin ah oo ka kooban saddex qof, kuwaas oo ka mid ah maxakmadda afaraad ee racfaanka, ayaa si isku mid ah isugu raacay in xaakim hore uu qalad sameeyey markii uu eedeysanayaashan Soomaalida ah ku xukumay xabsi u dhaxeeya 30 illaa 42 sano iyo bar.

Maxkamadda ayaa markaas kadib kiiska dib ugu soo celisay xaakim degmeedka Mareykanka ee magaalada Norfolk, Raymond Jackson, kuna amartay inuu xabsi daa’in ku xukumo shanta qof, maadaama uu sharciga federaalka Mareykanka dhigay in qofkii lagu helo burcad badeednimo uu muteysto xabsi daa’in.

Eedeysanayaasha ayaa racfaan ka qaadan kara kiiskan, ayaga oo la tagi kara maxkamadda sare ee racfaanka ama maxkamadda sare e dalka Mareykanka. Qareen u doodaya oo lagu magacaabo Geremy Kamens, ayaa sheegay inuu ka fakarayo arrintan, balse uusan weli wax war ah ka bixin karin.

XS
SM
MD
LG