Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guantanamo: Maxaabiis loo soo rarayo gudaha USA


Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa eegaysa xarun militari oo ku taalla magaalada Leaveworth ee gobolka Kansas si loo geeyo maxaabiista hadda ku jira xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba.

Xarunta militariga ee magaalada Leaveworth iyo xarun kale oo ku taalla magaalada Charleston ee gobolka S. Carolina ayaa ah labada goobood ee la soo kormeerey, sida uu faray xoghayaha Gaashaandhigga ee Maraykanka, Ashton Carter.

Xarunta gobolka Kansas ayaa lagu hayn karaa ilaa 50 maxbuus, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandigga. Xiligan la jooga, waxa xabsiga Guantanamo Bay ku jira 116 maxbuus, kuwaas oo badankooda loo wareejin karo dalal kale oo lagu hayo.

XS
SM
MD
LG