Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay China


Ugu yaraan 44 ruux ayaa ku dhimatay boqolaal kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib qaraxyo waaweyn oo is xig xigay oo Arbacadi ka dhacay bakhaarro ay ku jireen walxo kiimiko ah gudaha magaalada xeebta ah ee Tianjin ee waqooyi bari dalka Chiinaha.

Sawirro iyo filim laga qaaday goobta ayaa muujiyey qaac iyo dab xoog leh oo sida daruurihi oo kale cirka isku xiray taasoo argagax ku beertay dadka deganaa dhismooyinka ka ag dhawaa goobta.

Muuqaalo ay sii daysay wakaalada wararka Shinaha ee Xinhua ayaa tusiyey burburka xarunta ay qaraxyadu ka dhaceen oo wali uu dabku ka ololayo isla markaana uu qabsaday dhismooyin badan iyo gawaari.

Boqolaal kooxaha dab damiska ah ayaa isku dayaya in ay xakameeyaan holaca, laakin dadaalkooda waxa carqaladeynaya awooda dabka iyo xaalado aad u dhib badan oo ka jira goobta sida ay ku warrameyso wakaalada ku hadasho codka dowlada ee Xinhua.

Warbixino kala duwan oo soo baxay ayaa kula taliyey kooxaha dabdamiska in ay howsha hakiyaan ilaa laga ogaanayo bal in ay wali jiraan walxo kiimikaal ah oo wali ku harsan baqaarka iyo in kale.

Qalabka warbaahinta ayaa sheegay in 32 oo ka mid ah dhaawacyado ay xaaladooda aad u liidato halka guud ahaan dadka dhaawaca ahna lagu sheegay in ay gaarayaan ugu yaraan 400 oo ruux.

Wali ma cadda waxa sababay qarraxa oo ay warbaahinta dowlada ku tilmaantay inuu ka dhacay bakhaar ay leedahay shirkadda ka shaqeyso adeegyada caalamiga ah ee zaadka Rui Hai.

Warbaahinta maxalliga ah ee Shiinaha ayaa sheegay in sarkaalka ugu sarreeyo xagga maamulka ee shirkadani xabsiga loo taxaabay.

XS
SM
MD
LG