Isku xirrada

Somalia: "Sanad lama Arag kiisas dabeysha ah'


Wasiirka Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa maanta ku dhawaaqday in wax kiisas oo cudur dabeysha ah aan dalka Soomaaliya lagu arag muddo hal sano ah.

Wasiirka ayaa warkan ka sheegtay munsaabad maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia oo lagu xusayey guushaasi weyn ee lagu tallaabsaday, oo ah in sanad aan kiisas la xiriira cudurka dabeysha lagu arag Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale munaasbaadda ku wehliyey saraakiil ka tirsan hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, oo sida wasiirka ay sheegtay Soomaaliya ka caawinaya cirib tirka cudurka dabeysha.

Wasiirka ayaa sheegtay in haddii saddexda sano ee soo socota aan wax kiisas cudurka dabeysha ah lagu arag dalka Soomaaliya, ay markaasi si rasmi ah u shaacin doonaan in cudurka laga cirib tiray guud ahaan dalka.

Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa idaacadda VOA-da uga warramay arrintan.

XS
SM
MD
LG