Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qof is-miidaamiyey oo dad badan ku laayey Kabul


Goobta qaraxa uu ka dhacay
Goobta qaraxa uu ka dhacay

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhimatay 17 kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii maanta oo isniin ah uu qof isa soo miidaamiyey uu isku qarxiyey illinka weyn ee laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabuul ee caasimadda dalka Afganistan.

Dad goob joogaal ah ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid aad u xoog badan oo qofka isa soo miidaamiyey uu ku beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil ka tirsan dowladda Afganistan.

Ururka Taaliibaan ayaa markiiba sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi, iyadoo afhayeenka ururkaasi uu sheegay in beegsigoodu uu ahaa ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Afgaanistaan.

Qarxan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dameeyey ay qarxayo ay dad badan ku dhinteen ay ka dhaceen magaalada Kaabuul ee caasimadda dalka Afgaanistaan.

XS
SM
MD
LG