Isku xirrada

War Deg-Deg ah

116 Qof oo Qaxooti ah oo Gaadhay Muqdisho


Sawir Hore oo ku saabsan Qaxooti dalka ku soo laabanayey
Sawir Hore oo ku saabsan Qaxooti dalka ku soo laabanayey

Magaalada Muqdishu waxaa maanta soo gaadhay 116 qof oo Soomaali ah oo ah qaxooti iskood uga soo laabtay xeryaha Dhadhaab, taasi oo qayb ka ah heshiis saddex geesood ah oo ay horey u wada gaadheen dawladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR.

Dadkan ayaa lagu soo dhoweeyey Muqdishu, mas’uuliyiinta hay’adaha qaxootiguna waxay sheegeen in dadkaasi ay gacan-qabasho helayaan muddo ku meelgaadh ah, waxaana dadkan si toosa uga soo qaaday Dhadhaab oo ah halkay ka soo laabteen diyaarado.

Haddaba qaxootiga Soomaalidu diyaar ma u yihiin inay waddanka kusoo laabtaan gebi ahaan? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa Haaruun Macruuf uu weydiiyey Axmed-Daahir Cabdikariim Nuur Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya oo ku sugan Muqdishu.

Qaxooti ku Noqday Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:36 0:00

XS
SM
MD
LG