Isku xirrada

Xubno Shabaab ah oo isu Dhiibay Dawladda


Maleeshiyada Al-shabaab

Maleeshiyada Al-shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ku dhawaad boqol qof oo isugu jira maleeshiyaadka al Shabaab iyo Taageerayaashoodu ay isa soo dhiibeen.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay ciidamada dawladda federaalka iyo kuwa Ethiopia ee ka tirsan AMISOM ay hawlgallo iyo duqaymo ka wadeen tuulooyin hoos yimaadda gobolka Bakool.

Hadaba si aan arrintaasi faahfaahin uga helno ayaa Xuseen Barre Aadan oo ku sugan Washington waxa uu ka waraystay Taliyaha guutada sideedaad ee ciidamada dawladda Soomaaliya ee gobolka Bakool Kornayl Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Tima Cadde).

XS
SM
MD
LG