Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin Eedo u Jeedisay Shirkadda SOMA OIL


Shirkadda Soma OIL
Shirkadda Soma OIL

Khubaro ka tirsan Guddida Qaramada Midoobay ee qaabilsan Cunaqabatayta ayaa ku eedeeyey shirkadda Britishka ah ee Som Oil and Gas inay bixinayaan lacago aad u badan oo ay siinayaan Wasaaradda Shidaalka ee Somalia taas oo halis ah oo horseedaysa in danuhu iska horyimmaaddaan, taas oo qaybtood ay muuqato in la siiyey masuuliyiin sarsare.

Warbixinta guddi ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa khubarada diyaarisay ay sheegeen in Shirkadda SOMA ay bixisay illaa $600,000 taas oo qayb ka ah dedaallo ay doonayso inay ku ilaashato isla markaana ballaadhiso heshiiskeeda sahaminta shidaalka ee ay wasaaradda shidaalka Soomaaliya la gashay sannadkii 2013.

Sida ay Reuters ka soo xigtay warbixin sir ah oo ay ururiyeen khubaro ka tirsan guddida Qaramada Midoobay ee Kormeeridda cunaqabtaynta Hubka ee Somalia iyo Eriteria, oo ay aragtay Reuters ayaa lagu sheegay in Shirkadda Biritishka ah ee SOMA ay sidoo kale siisay illaa $495,000 garyaqaan la talinayey xukuumadda Soomaaliya markii uu wada-xaajoodku socday.

Warbixin dheer oo ay daabacday wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa warbixin sir ah oo ay diyaariyeen guddida Qaramada Midoobay ee Qaabilsan Cunaqabataynta Somalia iyo Eriteria ayaa ka hadashay arrimo kala duwan, Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa innoo soo tarjumay warbixinta ay daabacday Wakaaladda Wararka ee Reuters.

Warbixinta Reuters
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:34 0:00

XS
SM
MD
LG