Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qorshaha Cusub ee Obama ee Isbedelka Cimilada


Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu ku qanacsan yahay inaanay jirin khatar ka weyn Isbedelka Cimilada oo soo foodsaaraysa mustaqbalka jiilka jooga iyo weliba kuwa soo socda.

Ereyadani waxay ka mid ahaayeen hadal uu Madaxweyne Obama jeediyey si uu sawir uga bixiyo halista jirta, isla markaana u soo bandhigo hindise wax lagaga qabanayo isbedelka Cimilada, kaas oo hoos loogu dhigayo heerka qiiqa hawada lagu sii daayo ee ka yimaadda Wershedaha.

Qorshaha Madaxweyne Obama ee wax lagaga qabanayo isbedelka Cimilada waxaa ku jira in laga guuro ama la yareeyo ku tiirsanaanta laydhka laga soo saaro wershedaha ku shaqeeya dhuxusha isla markaana loo guuro tamarta laga dhaliyo cadceedda ama dabaysha iwm.

Qorshahan Madaxweyne Obama waxaa ku jira in marka la gaadho sannadka 2030 ay wershedaha Maraykanku hoos u dhigaan qiiqa Carbon-ka ee hawada lagu sii daayo illaa 32% taas oo qiyaasta laga soo bilaabayo heerkii qiiqa hawada lagu sii dayn jiray sannadkii 2005.

Qorshahan cusub ayaa xattaa 9% ka hooseeya hindise hordhac ahaa oo la sii daayay sannadkii hore.

Madaxweyne Obama oo hadal ka jeedinayey aqalka cad ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in wakhtigu uu isgurayo isla markaana loo baahan yahay in tallaabo la qaado si wax looga qabto isbedelka cimilada.

“Arrintani waa mid ka mida tallaabooyinka dhif iyo naadirka ah, sababtuna waa baaxadda arrintani leedahay, haddii aynaan xilligan wax ka qabana mar dambe ma soo celin karno, isla markaana ma awoodi doono inaynu si wacan wax uga qabano” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.

Hindisanahan cusub ee wax lagaga qabanayo isbedelka Cimilada ee Madaxweyne Obama ku dhawaaqay ayaa noqonaya tallaabadii ugu horraysay ee noocan oo kale ah ee weligii Maraykanku qaado si uu wax uga qabto Isbedelka Cimilada.

Waxana Madaxweyne Obama sheegay in saddex dalool oo dalool ka mida qiiqa hawada lagu sii daayo ay wershedaha waaweyni masuul ka yihiin, iyaga oo ka badan qiiqa ay hawada ku sii daayaan gaadiidka kala duwan, ama guryaha ama diyaaradaha marka la isku daro.

“Qorshahan cusub wuxuu keenaya in marka la gaadho sannadka 2030, aynu hoos u dhigno qiiqa carbonka ah ee hawada aynu ku sii dayno illaa 32% intii ay ahayd toban sano horteed” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.
Waxaa jira dhaliilo badan oo loo soo jeedinayo qorshahan oo ay ka mid tahay inuu horseedayo in dad badani ay shaqo waayaan hase ahaatee Madaxweyne Obama ayaa isagu aan arrintaas ku raacsanayn:

“Waxay ku doodaan kooxaha ka soo horjeeda iyo Congressku in qorshahani uu horseedi doono inay dad badani shaqadooda waayaan, hase ahaatee waxaa loo wareegayaa waa tamar ku dhisan cadceedda haddii aynu tusaale u soo qaadano, taasina waxay abuuraysa shaqooyin ka badan toban jeer intii hore” ayuu yidhi Madaxweyne Obama.

XS
SM
MD
LG