Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kerry oo Safar ku Maraya Bariga Dhexe


Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka John Kerry ayaa gaadhay dalka Qadar halkaas oo uu kulan la qaadanayo Wasiirada Arrimaha Debedda ee Golaha Iskaashiga ee Khaliijka si uu ugala hadlo walaaca la xidhiidha heshiiska hubka ee lala gaadhay dalka Iran.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka oo safar ku maraya wadamada bariga dhexe ayaa ka hor intii aanu soo gaadhin Qadar wuxuu soo maray dalka Masar halkaas oo uu kulan kula soo qaatay madaxda dalka Masar, waxaana John Kerry uu isku dayayaa inuu wadamada bariga dhexe ee saaxiibka la ah dalka Maraykanka ka iibiyo heshiiskii lala gaadhay dalka Iiraan isla markaana ka qanciyo su’aalaha ay ka qabaan heshiiskaas.

“Ma jirto wax suaal ah oo ka taagan in heshiiskii lagu gaadhay Vienna haddii si buuxda loo dhaqan geliyo inuu ammaan iyo xasilooni u horseedayo Masar iyo wadamada kale ee gobolkan ku yaalla, taas oo marwalba ka ammaan badan haddii aan heshiis la gaadhin” ayuu yidhi John Kerry oo shir jaraa’id ku qabtay dalka Masar ka hor intii aanu ka dhoofin.

Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar wuxuu sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in dal kasta oo ku yaalla gobolka bariga dhexe uu haatan ka ammaan badan yahay sidii hore, isaga oo soo hadal qaaday dalalka Isreal, Masar iyo kuwa Golaha Iskaashiga Khaliijka.

Golaha Iskaashiga ee Khaliijka ayaa ka kooban Sucuudiga, Baxrayn, Kuwait, Qadar, Cummaan iyo Imaaraadka Carabta, waxayna qaar ka mida golahani ay walaac ka qabaan cunaqabataynada laga qaadayo dalka Iiraan inay suuro gal tahay inay xasilooni darro u horseeddo gobolka, isla markaana waxay cabsi ka muujiyeen inay dalka Iiraan fursad u siinayso inay galaangal intii hore ka ballaadhan yeeshaan.
Arrimaha kale ee golahani walaaca ka qabo ayaa ah in dalka Iiraan uu dakhliga uu helayo marka cunaqabataynta laga qaado uu uga faa’iidaysto inuu ku taageero kooxaha xagjirka ah sida Xisbullah oo kale.

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Sucuudiga Adel bin Ahmed al-Jubeir ayaa sheegay in dalkiisu soo dhoweynayo heshiis kasta oo dammaanad qaadaya inaan dalka Iiraan samaysan hubka Nukliyeerka.

XS
SM
MD
LG