Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar Lagu Qaaday Ciidamada Turkiga


Kooxaha Mucaaradka Kurdiyiinta ayaa shalay axaddii ka fuliyey weerar ismiidaamin ah goob ay ciidamada Boolisku ku sugnaayeen oo ku taalla dhinaca bari ee dalka Turkiga, waxayna halkaas ku dileen illaa laba askari, illaa 24 kalena waxaa soo gaadhay dhaawacyo kala geddisan.

Xafiiska Guddoomiyaha gobolka Agri ayaa sheegay in weerarkani uu ka dhacay meel u dhow xuduudda dalkaasi la wadaago dalka Iran, waxana weerarka lagu fuliyey gaadhi loo isticmaalo dhinaca beeraha oo laga soo buuxiyey illaa laba ton oo walxaha qarxa ah.

Weerar kale oo ka dhacay gobolka Mardin oo ku yaalla dhinaca koonfur bari ee dalkaas ayaa isna lagu dilay hal askari iyada oo lagu dhaawacay afar askari oo kale, ka dib markii ciidanka ay ku qaraxday miino la aaminsan yahay inay kooxaha mucaaradku u dhigeen.

Khasaaraha ka dhashay weeraradan cusub ayaa ku soo beegmaya ka dib markii ay soo cusboonaadeen xiisadda u dhexeysa jabhadda mucaaradka ah ee Kurdiyiinta ee PKK iyo dawladda Turkiga.

Dawladda Turkiga ayaa dhinaceeda fulisay weeraro kala duwan oo xagga cirka ah oo ay ku qaaday fadhiisimo ay leeyihiin Kurdiyiinta Mucaaradka ah oo ku yaalla gudaha dalka Turkiga iyo weliba Woqooyiga dalka Ciraaq.

XS
SM
MD
LG