Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Dad Laga soo Furtay Ururka Boko Xaraam


Ciidanka dalka Nigeria ayaa sheegay in Khamiistii shalay uu soo badbaadiyey 59 dumar, caruur iyo rag da’ waaweyn oo ururka Boko Xaraam uu la-haystayaal ahaan u haystay.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in askartu ay weerareen goobaha uu ururka B. Xaraam ku gabado ee ku yaalla magaalada Maidguri ee W-bari ee dalkaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in tiro argagixisada ka mid ah la dilay, tiro hub iyo baabuur ahna la soo qabsaday.

Afhayeenka ciidanka korneel Sani Kukasheka Usman ayaa VOAda u sheegay, sida uu hadalka u dhigtay, in mar kasta uu guul noocan oo kale ah ay timaaddo, uu warku meel fog gaarayo, taas oo kor u qaadaysa ciidamada dagaalama oo kaliya ma ahee, guud ahaan dadka reer Nigeria.”

La-haystayaasha la soo furtay waxa ku jira 5 nin oo da’ waaweyn iyo 54 dumar iyo caruur iskugu jira.

Qaar ka mid ah dadka la soo daayey ayaa warfidiyeenada ku sheegay in argagixisadu ay siiyeen cunto yar, si joogto ahna ay ugu hanjabi jireen inay dilayaan.

XS
SM
MD
LG