Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Shirkii Hiigsiga oo soo Xirmay


Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo afjaray shirweynaha hiigsiga 2016 oo ay ka qeybgaleen dowladda Soomaaliya iyo wakiilo ka socda beesha caalamka waxana dhammaadkii shirkan laga soo saaray war-murtiyeed.

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaan ka qeybgalin shirka hiigsida Muqdisho, Puntland waxay war-saxaafeed ay soo saareen ku sheegtay in sababaha ay shirka uga baaqdeen ay tahay kadib markii dowladda dhexe ay dastuurkii ku tumatay, isla markaana fulin wayday qodobo ay ku heshiisyeen.

Puntland waxay sheegtay inaysan aqbalayn in muddo-korodhsi loo sameeyo dowladda iyo baarlamaanka ama dib u dhac ku yimaado doorashada 2016; Puntland waxay kaloo sheegtay inay diyaar u tahay inay qabato shirweyne looga tashanayo doorashooyinka 2016.

Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Caynte ayaa Ismaaciil Xuseen Farjar uga waramay nuxurka qodobada ku qoran warmurtiyeedka.

Xaggan hoose ka dhegeyso Waraysiga Wasiirka.

Shirka Hiigsiga 2016
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:42 0:00


XS
SM
MD
LG