Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo Doortay Hoggaamiye Cusub


Taliban leader Omar and his successor
Taliban leader Omar and his successor

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya geeridii hoggaamiyaha ururka Taliban Mullah Cumar iyada oo xogahaasi sheegayaan in ku xigeenkii Mullah Cumar isla markaana madax u ahaan garabka siyaasadda iyo Milateriga ee ururka Taliban Mullah Akhtar Mansoor loo doortay inuu noqdo hoggaamiyaha cusub.

Ururka Taliban arrintan weli kama faalloon.

Xukuumadda Afghaanistaan ayaa sheegtay shalay arbacadii in hoggaamiyihii ururka Taliban Mullah Cumar uu dalka Pakistan ku geeriyooday sannadkii 2013.

Afhayeen u hadlay hay’adda Sirdoonka dalka Afghanistan Cabdul-Xasiib Seddiqi ayaa sheegay “Aad ayuu [Mullah Cumar] u xanuunsanaa, waxaana la xidhay cusbitaalka Karachi, halkaas ayuuna ugu geeriyooday iyada oo shaki uu jiray la xidhiidha waxa keenay geeridiisa” ayuu yidhi.

Hay’adda Sirdoonka ee dalka Afghanistan faahfaahin kamay bixin waxa keenay shakiga la xidhiidha geerida hoggaamiyaha Taliban Mullah Cumar, sidoo kale xog badan kamay bixin inta hay’addoodu ogayd warkan.

Xafiiska Madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa isna xaqiijiyey geerida Mullah Cumar.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa isna sheegay in wararka la xidhiidha geerida Mullah Cumar ay u muuqdaan inay yihiin kuwo la isku hallayn karo, isla markaana ay hay’adaha wardoonka Maraykanku ku mashquulsan yihiin inay baadhaan sababaha keenay geerida hoggaamiyihii ururka Taliban.

XS
SM
MD
LG