Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo Furay Shirka Ganacsiga Nairobi


Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa magaalada Nairobi ka furay Shirka Caalamiga ah ee Hal-abuurka Ganacsiga, waxaana Madaxweyne Obama uu shirkaas kaga dhawaaqay adduun lacageed oo gaadhaya illaa $1 Billion oo Dollar oo lagu maalgelinayo ganacsiga dunida.

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in ka sokow hawlaha shaqo ee uu dalkaas u tegey in haddana safarkani uu micne gaar ah isaga u xambaarsan yahay gaar ahaan inuu la kulmo qaar ka mida qoyskiisa.

Shirweynahan oo ah kii lixaad ayaa waxaa ka qayb gelaya illaa kun qof oo ka mida ganacsatada Afrika.

Hoggaamiyayaasha kale ee shirkan ka hadlay waxaa ku jiray Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

XS
SM
MD
LG