Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo Dalalka Bariga Dhexe u Sharxaya Heshiiska Iran


Xoghayaha Difaaca Maraykanka Ash Carter ayaa safar ku maraya dalka Sucuudiga, kaas oo qayb ka ah socdaal uu gobolka ku tegey oo ujeedadiisu ahay inuu isbahaysiga Maraykanku ku leeyahay gobolkaas kaga dhaadhiciyo ama ugu sharxo faa’iidada ku jirta heshiiska hubka Nukliyeerka ee lala gaadhay dalka Iran.

Masuuliyiinta Sucuudigu si cad umay cambaarayn ama umay soo dhoweyn heshiiska lala gaadhay dalka Iiraan bishan July 14-keedii.

Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka ayaa kulan la yeelanaya boqorka dalka Sucuudiga Boqor Salmaan iyo weliba Wasiirka Difaaca ee dalkaasi ka hor inta aanu dib ugu laaban dalka Jordan oo uu kulan kula qaadanayo hoggaanka Milateriga ee dalka Urdun.

Shalay salaasadii ayaa Xoghayaha Difaaca ee Maraykanku wuxuu kulan kula qaatay ciidamada Isbahaysiga ee ku sugan saldhiga bari ee dalkaas ku yaalla halkaas oo xarun u ah goobta laga qaado weerarada laga geysto bartilmaameedyada ku yaalla dalka Syria.

XS
SM
MD
LG