Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka AMISOM oo Dad ku Dilay Marka


AMISOM oo ku sugan MARKA
AMISOM oo ku sugan MARKA

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay magaalada Marka kadib markii ciidamada AMISOM ay galeen xaafado ka mid ah magaaladaasi.

Dadweynaha magaalada qaar ka mid ah ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM inay si ula kac ah u toogteen dad rayid ah markii ay guryahooda u galeen.

Ehelada qaar ka mid ah dadka dhintay ayaa idaacadda VOA u sheegay in ciidamo hubaysan ay soo galeen xaafadda Hoosi kadibna ay toogteen dad rayid ah oo ay ku jiraan laba qof oo haween ah.

Gudoomiyaha Degmada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa VOA u xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan AMISOM ay saaka subaxnimadii hore rasaas ku fureen dad rayid ah oo ku nool xaafad ka mid ah magaalada Marka, waxaanu intaasi raaciyay in ugu yaraan 6 qof ku dhinteen 5 kalena dhawac soo gaadhay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dhimashadu ay gaarayso ilaa 16 qof.

Cisbitaalka magaalada ayaa la geeyey 7 qof kuwaasi oo laba ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyadii soo gaadhay.

Sababaha keenay in ciidamadu ay galeen xaafadaha ayaa dadku siyaaabo kala duwan ku macneeyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhacdadan ay ka horraysay qarax baabuur ay leeyihiin ciidamada AMISOM lagula eegtay degaan u dhow magaalada Marka, halka warar kale ayaa iyaguna sheegayaan in walxaha qarxa ama rasaas ciidanka looga soo riday xaafadaha, taasi oo ay dadka degaanku beeniyeen.

XS
SM
MD
LG