Isku xirrada

Congress ka Maraykan ka oo loo gudbiyay heshiiskii Iran.


Congress War Powers

Congress War Powers

Maamulka Madaxwayne Obama ayaa axadii shalay aqalka Congress ka u gudbiyay Heshiiskii ay wada gaadheen Iran iyo quwadaha waawayn ee Aduunku.

Waxana maanta oo isniin ah bilaabmaya 60 maalmood oo ay xubnaha Congress ku dib u eegis ku samaynayaan Heshiiskaasi, intaasi ka dib ayay sharci dejiye yaashi ansixin doonaan ama ay soo celin doonaan.

Hogamiyaha aqalka hoose oo ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga Mitch McConnell ayaa laga filayaa inuu caqabado adag hor dhigo ansixinta.

Hase ahaatee madaxwayne Obama ayaa hore u balan qaaday in uu codka diidmada qayaxan ku hor joogsan doono isku day kasta oo ay congress ku ku diidaan heshiiskasi.

XS
SM
MD
LG