Isku xirrada

Qarax Ay 80 Qof Ku Dhinteen Oo Ciraaq Ka Dhacay


Saraakiisha dalka Ciraaq ayaa sheegay in ugu yaraan 80 qof ay ku dhinteen, 50 kalana way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari laga soo buuxiyey walxa qaraxa uu ku qarxay magaalada ku taalla gobolka Diyaala ee bariga dalka CIraaq

Weerarkan ayaa ah kii ugu xumaa ee ay geysto ururka Daacish tan iyo markii uu la wareegay magaalooyin ku yaalla dalka Ciraaq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladdu.

Saraakiisha caafiamadka ayaa sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay suuq ku yaalla magaalaa Khan Bani Saad oo ay ku badan yihiin Muslimiinta Shiicada ah, kuwaasoo u dabbaal-dagayey munaasabadda Ciidda Fidrida

Dadka weerarkasi ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badnaayeen haween iyo carruur.

Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG