Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddida Dacwadda Badda Gudbisay oo VOA la hadlay


Wararka ka imanaya magaalada Hague ee ay ku taallo Maxkamadda Caalmaiga ah ee Garsoorka ayaa sheegaya in Soomaaliya ay goor dhowayd gudbisay dacwadda ka dhanka ah Kenya ee ku saabsan Xuduudda Badda. Dacwadda waxaa gudbyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir iyo diblomaasiyiin Soomaali ah.

Sidoo kale waxaa door ka qaadanaya dacwaddan garyaqaano isugu jira Soomaali iyo Ajnebi kuwaas oo aqoon durugsan u leh dhinaca badaha.

Soomaaliya xilligan way gudbisay dacwadeedii, waxaa la filayaa in dalka Kenya uu ka soo jawaabo, ka dib waxaa suuro gal ah in Soomaaliya markale ka jawaabto, waxaana la filayaa inay wakhti qaadato in go’aan laga gaadho gal-dacwadeedkan maanta furmay.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo dalka Biljamka Ambaasador Cali Siciid Fiqi oo ka mid ah eragada Soomaalida kuna sugan Hague ayaa Caasha Ibraahim Aadan uga warramay sida ay dacwaddaasi u gudbiyeen.

Sidoo kale Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay Prof. Afyare Cabdi Cilmi oo daraasado badan oo ku saabsan arrimaha badaha Soomaaliya sameeyey, wuxuuna ka jawaabayaa su’aalo badan oo la xidhiidha sababta keentay muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya? Sidee ayaase loo qiimayn karaa dacwadda Soomaalida? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaad kaga bogan kartaan.

Xagga hoose ka dhegeyso waraysiyada oo dhamaystiran.

Soomaaliya oo Dacwad Gudbisay
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:15 0:00

XS
SM
MD
LG