Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo duqeysay deegaanno ku yaalla Gedo


Duqeyn loo Geystay Jasiiradda Kudhaa
Duqeyn loo Geystay Jasiiradda Kudhaa

Iftiin Yuusuf Sheekh Isaaq oo ku sugan deegaanka Laan-qurac oo ka mid ah deegaannada ay duqeyntu ka dhacday ayaa VOA u sheegay in duqeyntaas ay ku dhaawacmeen labo qof, kuwaasoo u sugnaa ceel ay biyo ka dhaansanayeen.

Iftiin ayaa sheegay in deegaannada ay duqeyntu ka dhacday aysan ku sugneyn maleeshiyada Alshabaab, balse ay ku nool yihiin dad reer miyi ah.

Iftiin ayaa sheegay in duqeyntaasi ay socotey muddo labo saacadood oo diyaaraduhu ay soo laabteen dhowr jeer.

Kenya ayaa dhowr jeer oo hore duqeymo ka fulisay tuulooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Gedo oo ay ku sheegtay in ay ku beegsanayso saldhigyo ay halkaasi ku leedahay maleeshiyada Alshabaab.

XS
SM
MD
LG