Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Al-Shabaab oo Weerartay 2 Hotel


Ururka al-Shabaab ayaa caawa fiidkii laba weerar ku qaaday hotelada Weheliye iyo Siyaad ee magaalada Muqdisho.

Dableyda ayaa Weheliye Hotel ku weeraray qarax baabuur, kadibna damcay inay gudaha u galaan, balse uma suurtagalin kadib markii ay ka hortageen ciidamada hotel-ka iyo kuwa amniga ee dowladda Soomaaliya.

Maxamed Cumar Ceymooy, wasiirka kaluumaysiga ee Soomaaliya oo ka mid ahaa saraakil ku jiray gudaha hotel-ka ayaa VOA u sheegay in qarax weyn albaabka hotel-ka lala beegsaday, ciidanka amnigu ay hor istaageen in dableydu ay gudaha u gasho hotel-ka.

Wasiirka ayaa sheegay in wakhtiga weerarka ay gudaha hotel-ka ku jireen wasiirro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

Sidoo kale, maleeshiyada al-Shabaab ayaa weeraray oo gudaha u galay Siyaad Hotel oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay wali ku jiraan gudaha hotel-ka, waxaana weriyayayaasha VOA ay ku soo warramayaan in hotel-ka gudihiisa laga maqlayo rasaas iyo qaraxyo.

XS
SM
MD
LG