Isku xirrada

War Deg-Deg ah

S. Carolina oo Dejisay Calanka Xilligii Addoonsiga


Maanta oo Jimce ah gobolka South Carolina waxaa la dajiyey calanka la isticmaali jiray xilligii addoonsiga dadka Madow oo wali ka taagan gobollo ku yaalla koonfurta Maraykanka.

Guddoomiyaha gobolka South Carolina Nikki Haley ayaa saxiixday shalay khamiistii sharciga lagu dajinayo calanka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa saddex toddobaad ka dib markii uu wiil caddaan ahi uu sagaal qof oo madaw ah ku dilay kiniisad ku taalla magaalada Charleston ee gobolka South Carolina.

Golayaasha sharci dejinta ee gobolkan ayaa ogolaaday in la dejiyo calanka.

Wiilka caddaanka ah ee laayey dadka madowga ah oo lagu magcaabo Dylann Roof ayaa muuqaallo uu iska qaaday ka hor intii aanu dilka geysan la arkay isagoo sita calankan.

Dhinacyada ka soo horjeeda calankan ayaa u arka inuu yahay astaan u taagan sarraynta dadka caddaanka ah iyo weliba in calalnkani astaan u yahay dagaalkii sokeeye ee dhacay 1860s kaas oo gobollada Koonfureed ee Maraykanku ay doonayeen inay ku ilaaliyaan sharcinimada addoonsigii waagaas jiray.

Hase ahaatee dhinacyada taageera calankan ayaa u arka inuu u taagan yahay taariikh hore ee aanu u taagnayn is-addoonsi.

South Carolina Flag
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

XS
SM
MD
LG