Isku xirrada

Uganda oo Xidhay RW Hore ee Dalkaas

  • Ismail Mohamed

Wararka ka imanaya dalka Uganda ayaa sheegaya in dowladdu ay maanta oo Khamiis ah xidhay Amama Mbabazi oo ahaa Ra’iisul-wasaarihii hore ee Uganda oo isagu doonaya inuu doorashada sannadka danbe kula tartamo madaxweyne Musaveni.

Ra’iisal Wasaarihii hore ayaa mar uu Washington joogay u sheegay VOA in la gaadhay wakhtigii isbeddel nabadeed uu ka dhici lahaa Uganda, halkaasi oo madaxweynaha talada haya iyo xisbigiisu ay xukunka hayeen 29 sanadood.

XS
SM
MD
LG