Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabaab oo 14 Qof ku Dishay Gudaha Kenya


14 qof ayaa ku dhimatay weerar ay rag hubeysan ku qaadeen laba guri oo ku yaala deegaanka Mandhere Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya maanta oo Talaada ah.

Maleeshiyada ururka Al-shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka oo ka dhacay, tuulada Soko Mbuzi, oo ku dhow xadka Somalia iyo Kenya.

Sanatar Billow Aadan Keerow oo laga soo doorto Gobolka Mandera ayaa VOAda u sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen ilaa 20 qof oo hubaysan kuwaasi oo ay ciidamada amniga rasaas isweydaarsadeen.

Waxa uu sheegay in calaamadaha weerarkan ay muujinayaan Al-Shabab inay gaysteen.

Waxaa kaloo uu sheegay in dadka weerarka lagu dilay ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Kenya oo aan somalida Kenya aheyn oo ka shaqeynayay dhismo iyo howlo kale.

Al-Shabab ayaa horey weeraro badan uga fulisay Kenya tan iyo markii ciidamada Kenya ay galeen Somalia sanadkii 2011kii.

Weerarkii ugu dhimsada badnaa ayaa ka ahaa kii ka dhacay Jaamacadda Garisa bishii April ee ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Dhageyso: Al-shabab oo dad ku dishay Gudaha Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:15:36 0:00

XS
SM
MD
LG