Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maraykanka oo ka Hadlay Heshiiska Hubka Iran


Waxaa lagu sii dhowaanayaa xilliga loo qabtay in heshiis rasmi ah laga gaadho arrinta hubka Nukliyeerka ee dalka Iran, waxaana caasimadda dalka Austria ee Vienna kulan uga socdaa Wasiirrada Arrimaha Debedda ee Quwadaha lixda ah iyo weliba dalka Iran kuwaas oo ku hawlan sidii heshiis kama dambays ah loo gaadhi lahaa si dalka Iran looga qaado cunaqabataynada taas bedelkeedana ay aqbasho heshiis xakamaynaya mashruuceeda Hubka Nukliyeerka.

Magaalada Vienna ee caasimadda dalka Austria waxaa ku laabtay Wasiirada Arrimaha Debedda ee wadamada lixda ah sida Faransiiska, Ruushka, Shiinaha, Jarmalka, Maraykanka iyo Britian. Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka John Kerry oo warbaahinta la hadlay ayaa gudbiyey fariin cad oo ku saabsan halka ay marayaan wadahadalada hubka Nukliyeerka ee dalka Iran isagoo sheegay “Halkan aan iminka taaganahay, Wada-xaajoodka socdaa laba jiho miduun buu u dhaqaaqi doonaa” sidaasi waxaa hadalkiisa ku sheegay Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka oo la hadlayey warbaahin ku soo ururtay barxadda hore ee Coburg Palace oo ah goobta kulanku uga socdo Wasiirada Arrimaha debedda ee quwadaha lixda ah kuwaas oo isku dayaya inay gaadhaan heshiiskii ugu dambeeyey ee la xidhiidha arrinta hubka Nukliyeerka ee dalka Iran.

Inkasta oo diplomaasiyiinta ku lugta leh wada-xaajoodkani ay bidhaaminayaan inuu jiro horumar la sameeyey haddana waxaa muuqata inuu gabaabsi yahay wakhtigii loo qabtay in heshiiska la gaadho oo ah maalinta salaasada.

“Waxaan doonayaa inaan cid walba u caddeeyo, ma joogno weli halkii aan doonaynay inaan isla gaadhno waxana weli jira qodobo adag oo ah kuwa laga hadlayo” ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Debedda Maraykanka.

Fariinta Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa xilli uu muuqaal ku baahiyey fariin Wasiirka Arrimaha Debedda ee Iran Mohammad Jafad Zarif isaga oo ku sugan Coburg Palace.

“Saacaddan oo ah 11, inkasta oo ay jiraan xoogaa kala aragti duwanaansho ah oo hadhay, laakiin ma jirto xilli aanu wakhtigan uga dhowayn inaanu wax isla gaadhno” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Debedda ee Iran.

waxaa lagu soo waramayaa in laba dhinac laga sameeyey horumar, taas oo kala ah gundhigga qaadista cunaqabataynada, iyo weliba in la eego sida Iran ay horumar uga samaysay dhinaca Hubka Nukliyeerka, gaar ahaan dhinaca qalabka si ay himiladeedaas u gaadho.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsa hay’adda dhinaca kormeeridda arrimaha hubka Nukliyeerka ee IAEA Yukiya Amano ayaa sheegay inuu aaminsan yahay inay dhamaystiri karaan baadhis la xidhiidha suaalaha la iska weydiinayo mashruuca dhinaca hubka ee dalka Iran dhammaadka sannadkan, isaga oo kaalmo ka helaya dalka Iran.

Wasiiro ka kala socda dalalka Maraykanka, Britain, Faransiiska, Ruushka, Shiinaha iyo Jarmalka ayaa door ka cayaaraya sidii heshiis looga gaadhi lahaa arrintan. Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa isagu qaba “haddii ay jiri waydo dhibirsanaan, ama niyadjab ku aaddan in horumar laga sameeyo arrimaha muhiimka, Madaxweyne Obama wuxuu markasta yidhaahdaa waa inaynu iskaga baxnaa. Waxaanu doonaynaa heshiis wanaagsan, heshiis wanaagsan keliya” ayuu yidhi.

Qaar badan oo ka mida dhinacyada ku lugta leh wadaxaajoodka ayaa xoogga saaraya in shirarku sii socdaan ilaa la gaadhayo maalinta salaasada oo ah wakhtiga ugu dambeeya ee la isla gartay in heshiis la wada gaadho, xattaa haddii aan lagu heshiin qodobada waaweyn inta ka horraysa.

XS
SM
MD
LG