Isku xirrada

War Deg-Deg ah

John Kerry Iyo Javad Zarif oo Kulmay Mar Kale


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry iyo Dhigiisa Iran Mohammad Javad Zarif ayaa ayaa maanta oo Axad ah ku kulmay magaalada Vienna xilli wada xaajoodka Nuklearka ee Iran uu marayo meel xasaasi ah, ka hor inta aysan kulanka ku soo biirin wufuu kale oo muhim ah.

Kulankooda oo muddo 30 daqiiqadood ah qaatay, ayaa daba socday kulan fool ka fool ahaa oo gelinkii dambe ee Sabtidii shalay ay yeesheen labadan diblomaasi. Midkoodna kama uusan faaloon wadahadalkan ugu dambeeyay.

Khubarada ayaa ku dadaalaya in inta ugu macquulsan ay xaliyaan waxyaabaha la isku hayo, ka hor inta aysan wasiiro ka socda lixda quwadood ee dunida ee wada xaajoodkan ku lugta leh aysan dhameystirin heshiis kama dambeysta waqtiga loo madlanyahay ee 7da bishan July.

Saraakiisha ku suggan Vienna ayaa xaqiijiyay Sabtidii shalay in heshiis horu dhac ah laga gaaray arimaha la xiriira qafiifinta cunaqabateynta lagu hayo Iran, laakiin sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in heshiiskaasi uu u baahanyahay in wasiirada quwadaha dunida ay ansixiyaan marka ay isu yimaadaan.

Dhinaca kale, Hey’adda Qaramada Midoobay ee la socodka Nukliyeerka ayaa bogaadisay rajo laga qabo in horumar laga sameeyo su’aal uu muran ka taagnaa oo aheyd dalabka reer galbeedka ee ah in Iran ay soo bandhigto dhamaan howlaheedii Nukliyeer ee hore ka hor inta aan heshiis la gaarin.

XS
SM
MD
LG