Isku xirrada

Mareykanka oo Xornimadiisa u Dabaal Deggay


Sabtidii shalay iyo xalay guud ahaan dalkan Mareykanka waxaa ka dhacay dabaal deggyo iyo xafladdo lagu mamuusayay maalinta Xoriyadda Mareykanka 4ta July oo ku begneyd 239 guuradi ka soo wareegtay markii uu dalkan madax banaanida ka qaatay Gumeystihii Brtain.

Dabaal degyada iyo xafladaha ayaa dhacayay iyadoo hey’adaha amaanka ee Mareykanka ay ku jireen feejignaan dheeri ah oo daba socota digniino laga bixiyay weeraro argagixiso oo lala eegto munaasabadahan.

Madaxweyne Obama ayaa Khudbadiisii todobaadlaha ugu hambalyeeyay shacabka Mareykanka Munaasabadan oo dhinaca kale sanadkan ku soo aaday 17 guurada dhalshada gabadhiisa weyn, Malia.

Obama ayaa ku casuumay boqolaal qoysaska askarta Mareykanka ah xaflad ka dhici laheyd banaanka Aqalka Cad, laakiin xafladaasi ayaa u baaqatay roobab xalay ka da'ayay magaaaladan Washington.

Dhinaca kale, boqolaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay fagaaraha barxadda Qaranka ee Washington si ey u daawadaan midabada kala duwan ee bululeyrada hawada lagu sii deynayay.

XS
SM
MD
LG