Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo Sirdoonkiisa u Diraya Maraykanka


Faransiiska ayaa saraakiisha sirdoonka u diraya Washington xilli ay soo baxayaan eedaymo la xidhiidha in Maraykanku uu basaasay madaxda dalka Faransiiska oo uu ku jiro madaxweynaha haatan xilka haya ee Francois Hollande.

Afhayeenka Xukuumadda Faransiiska Stephane Le Foll ayaa u sheegay weriyayaasha maanta oo arbaca ah in saraakiil ka tirsan laanta Sirdoonka ee dalkaasi ay aadi doonaan dalka Maraykanka si ay u soo xaqiijiyaan inay dhamaatay basaasiddii Maraykanku ku hayey dalkaas.

Afhayeenka ayaa sheegay “Waxaan doonaynaa inaan xaqiijino in basaasiddii ay dhamaatay” isaga oo hadalkiisa sii raaciyey in wasiiradu ay taxadaraan marka ay telefoonada ku hadlayaan.

Faransiiska ayaa sheegay inaanay suuro gal ahayn inay is basaasaan dalalka gaashaan-buurta ahi.

Masuuliyiin kala duwan ayaa sheegay in Danjiraha dalka Maraykanka u jooga Faransiiska in looga yeedhay xafiiska Wasiirka Arrimaha Debedda Faransiiska si arrintan wax looga weydiiyo.

Afhayeen u hadlay Hay’adda Amniga Qaranka Maraykanka ee NSA Ned Price ayaa sheegay inaan maamulka Madaxweyne Obama aanu samayn wax baasid ah oo debedda ah, haddii aanay jirin arrin gaar ah oo saamayn ku leh amniga qaranka.

XS
SM
MD
LG