Shiriikadaha xawaaladaha Soomaalida ee dalka Kenya ayaa maanta mar kale dib u howl galay ka dib markii ay dowladda Kenya horey u xayirtay adeeggaasi.
Dawladda Kenya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay sheegtay in ay si rasmi ah u shaacisay inay qaadday xayiraadii ay kusoo rogtay shirkadaha xawilaadaha Soomaalida. Kneya ayaa xayiraadda soo rogtay kadib weerarkii bishii Abriil Al-Shabab ay weerar ku qaadday Jaamacadda magaalada Gaarisa. Sharikdaha ayaa sheegay inay go’aankaas soo dhowaynayaan.
Warbixinta oo faah faahsan ka dhageyso lifaaqa hoose.