Isku xirrada

Mareykanka oo Laga Xusayo Maalinta Aabaha


Maanta oo Axad ah dalkan Mareykanka waxaa looga aqoonsanyahay maalinta aabaha, oo ah munaasabad lagu xusso kaalinta aabaha ee qoyska.

Inkastoo aysan ku jirin maalaha Fasaxa shaqooyinka Federaliiga ah, ayaa hadana maalintan la xusaa sanad walba Axadda sadexaad ee bisha June.

Qoysaska ayaa caadiyamba u xafladeeya maalintan iyagoo inta kale ee qoyska ay aabaha u kaxeeyaan casho sharaf, oo ay gudoonsiiyaan hadiyado u badan garabaatiyo.

Maalintan ayaa dhinaca kale faa’ido u leh baayac mushtarka Mareykanka.

Dhaqaaleyahanada ayaa sheegaya in dadka Mareykanka ay ku qarash gareeyaan hadiyadaha maalinta aabaha sanad walba lacag gaareysa hal bilyan oo dollar.

Maalinta ayaa la bilaabay in la xuso 5tii Bishii July sanadkii 1908dii, waxayna ka bilaabatay xaflad lagu xusayay 362 rag ah oo ku dhintay godad ay macdan ka qodayeen gobolka West Virginia.

XS
SM
MD
LG