Isku xirrada

Obama oo Dhawaan Ethiopia Booqanaya


Madaweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa u safri doona dalka Ethiopia bisha soo socota, taasoo ka dhigeysa madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo isagoo xafiiska haya booqda dalkaas oo xarun u ah Ururka Midowga Africa.

Warkan oo lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in booqashada uu Obama ku tagayo Addis Ababa ay ku xigto, booqashadii horey loo sii shaaciyay oo uu Madaxweyne Obama ku tagayo dalka Kenya.

Inta uu joogo Ethiopia, ayuu Madaxweyne Obama la kulmi doonaa saraakiisha sar saree ee dowladda Ethiopia, isagoo kulamo gaar gaar ahna la qaadan doona madaxda Midowga Africa.

Booqashada uu Mr. Obama ku tagayo halka uu ka soo jeedo ee Kenya ayaa noqoneysa tisii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xukunka.

Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ayaa Aqalka Cad waxa uu magaaladan Washington ku martigeliyay shir madaxeedka hogaamiyeyaasha Africa si uu u xoojiyo xiriirka Mareykanka iyo Qaaradda.

XS
SM
MD
LG