Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mo Farah oo Beeniyay inuu Dawo Isticmaalay


Mo Farah
Mo Farah

Orodyahanka Mo Farah ayaa sheegay inuusan waligiis isticmaallin dawooyinka jirka awoodda siiya.

Warbaahinta ayaa qortay in Mo Farah uu gafay laba baadhitaan oo dhinaca daroogada ah ka hor ciyaarihii olympic London 2012.

War qoraal ah oo uu maanta soo saaray ayuu ku sheegay in boqolaal jeer lagu sameeyey baadhitaanno, balse aan marnaba laga helin inuu dawooyin qaatay.

Alberto Salazar, tabaraha Mo Farah ee Maraykanka ayaa waxaa ku socota baadhis la xiriirta eeddo loo soo jeediyay oo ku saabsan adeegsiga dawooyinka awoodda siiya ciyaaryahhanada.

Mo Farah ayaa sheegay inuu ka dalbaday Salazar inuu jawaabo arrintaasi kabixiyo, isagoo sheegay in tababarihiisu u xaqiijiyay in eedaha loo jeediyay ay beenyihiin, dhawaanna uu caddeymo bixin doono.

Mo Farah oo asal ahaan Somalia ka soo jeeda ayaa u orda Britain, wuxuu ciyaarihii olympic London 2012 ku guuleystay biladaha dahabka ee orodka 5-kun iyo 10-kun ee mitir.

XS
SM
MD
LG