Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-shabab oo Weerar ka Fulisay Cadaado


Afar qof oo ka tirsan ururka Al-shabab ayaa ku geeriyooday weerar saaka ka dhacay magaalada Cadaado meel ku dhow xarunta ay deggan yihiin ergada Shirka maamul u sameynta Gobolada Dhexe.

Maamulka Ximin iyo Xeeb ee gacanta ku haya magaalada Cadaado ayaa sheegay in weerarkaasi oo kooxdii soo maleegtay ay damacsanaayeen in Qasaare xoog leh ay geystaan la fashiliyay.

C/laahi Cali Maxamed ''Baarleex'' oo ah Madaxa Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in mid ka mid ah ragga weerarka geystay oo watay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay meel dibadda ka ah xarunta ay degenyihiin ergooyinka Shirka Cadaado, ka dib markii ciidamada amaanka ay joojiyeen.

Waxaa kaloo uu sheegay in sadex nin oo kale oo hubeysnaa oo ka degay gaariga qarxay ka hor inta uusan halkaasi gaarin ay ciidamadu toogteen.

Waxa uu sheegay in weerarkan uusan wax saameyn ah ku yeelan amaanka magaalada Cadaado.

XS
SM
MD
LG