Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Masar: Maxamed Mursi oo Dil lagu Xukumay


Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa maanta oggolaatay xukun dil ah oo lagu xukumay madaxweynihii hore ee Masar Mohamed Morsi oo loo haysto xabsi ay dad badan ka baxsadeen 2011.

Mursi ayaa bishii hore la xukumay isaga iyo boqollaal kale oo ka tirsan akhwaanul-muslimiinka.

Maxkamaddan ayaa sidoo kale xukun xabsi daain ku xukuntay maanta oo Salaasa ah dacwado kale oo ay ku jirto inuu u basaasay kooxo ajanabi ah oo ay ku jirto ururka Falastiiniyiinta Xamas.

Tan iyo 2013 markii xukuka uu ka tuuray Mursi, madaxweyaha imimka Abdel Fattah el-Sissi, oo wakhtigaasi ahaa wasiirkii difaaca ee Mursi, dowladda Masar ayaa dacwo badan ku soo oogtay Mursi iyo ururka la mamnuucay ee akhwaanul-Muslimiinta iyadoo sidoo kalena ay socoto qabqabsho kadhan ah ururka.

Hoggaamiyaha ururka Akhwaanul-Muslimiin Mohamed Badici iyo madax kale ayaa iyagana maanta oo Salaasa ah maxkamddu ku xukuntay xabsi daai’n

Xukunnadan ayaa racfaan laga qaadan karaa.

XS
SM
MD
LG