Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Markab Siday Qaxooti oo Gaaray Boosaaso


Markabka Qaxootiga ka keenay Yemen
Markabka Qaxootiga ka keenay Yemen

Markab sidday qaxooti ka badan 2100 qof oo u soo kireeyey ganacsade Soomaali ah ayaa gaaray dekedda magaalada Boosaaso. Qaxootigan ayaa isugu jira haween, carruur iyo dad waayeel ah.

Qaxootigan waxaa la socday qunsulka Soomaalida ee magaalada Cadan ee dalka Yemen.

Guddoomiyaha gobolka Bari Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays ayaa VOA u sheegay in tirada qaxootiga soo gaaray Puntland ee ka soo cararay colaadda ka jirta dalka Yemen ay gaaranayaan 16 kun oo qof oo u badan Soomaali.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in qaxootiga ay ku jiraan 580 qof oo Yemeniyiin ah, 6 qof oo Jabuutiyaan ah, 7 qof oo Kenyaan ah iyo 59 qof oo Itoobiyaan ah.

Qaxootiga Soomaalida ayaa marka ay soo gaaraan Boosaaso waxaa loo soo gudbiyaaa gobollada Soomaaliya ee ay ka soo jeedaan.

XS
SM
MD
LG