Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada oo Ottawa ku Xirtay Nin Soomaali ah


Cali Cumar Adeer, ninka ay qabteen booliska Canada
Cali Cumar Adeer, ninka ay qabteen booliska Canada

Booliska Canada ayaa sheegay inay xireen nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cali Cumar Adeer oo ay sheegeen inuu ku lug lahaa afduubkii weriyihii Canada u dhalatay ee Amanda Lindhout iyo weriye kale oo Australia u dhashay kuwaasi oo lagu afduubay gudaha Somalia 23 bishii August ee 2008.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu qabtay magaalada Ottowa maalintii shalay.

Booliska ayaa sheegay in Cali Cumar Adeer uu ku lug lahaa wadaxaajoodyada muddada 15 bilood ahayd ee labadan weriye afduub ahaanta loogu haystay gudaha Soomaaliya.

Labada weriye ayaa waxaa la sii daayay bishii November 2009.

XS
SM
MD
LG