Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Alle-Magan Maxamuud Sangub oo lagu Dilay USA


Abwaan Sangub
Abwaan Sangub

Alle-Magan Maxamuud Cabdullahi Ciise Sangub, oo ah wiil uu dhaley Abwaan Sangub ayaa xaley lagu diley magaalada Mineeapolis ee dalka Mareykanka.

Dilka wiilkan oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa yimid kadib markii ay koox hubaysan rasaas ku furtay isagoo ka sii baxayey maqaayad ku taala Minneapolis, Sida uu VOAda sheegay aabihiis.

Abwaanka ayaa sheegay in wax laga xumado ay tahay dhalinyarada soomaaliyeed ee ku dhimanaysa dalka dibadiisa.

Waraysiga Abwaan Sangub ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Abwaan Sangub oo wiilkiisa Alle-Magan lagu Dilay USA
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:59 0:00

XS
SM
MD
LG