Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahlu Sunna oo Qabsatay Dhuusa-Mareeb


Ciidamada Ururka Ahlu Sunna Wal-Jameeca ee gobolada dhexe ee Somalia ayaa saakay dagaal muddo kooban socday ku qabsaday magaalada Dhuusa-Mareeb oo uu ku sugnaa maamul hoos yimaada dowladda Federalka ee Somalia.

Wararka ka imaanaa magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna oo ka tagay magaalada Guriceel ay saakay aroortii galeen halkaasi.

Dagaal kooban oo dhex maray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay hal qof inta la ogyahay ilaa iyo hadda.

Sheekh Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda –qorow), Guddoomiyaha maamulka Degamada Dhuusa- Mareeb ee Dowladda Somalia ayaa sheegay in ciidankii dowladda ee magaalada ku sugnaa ay isaga baxeen haatanna ay ku suganyihiin duleedka magaalada.

Waxa uu ku eedeeyay ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM oo fariisin ku leh magaalada in aaney wax talaaba ah qaadin, markii magaalada lagala wareegayay dowladda.

Axmed Macalin Cabdullahi oo isna ah Guddoomiyaha Degmada ee Ahlu Sunna , ayaa sheegay inay magaalada gacanta ku hayaan.

Waxa uu sheegay in magaalada ay dib ugu noqdeen muddo lix bilood ah oo ay ka maqnaayeen ka dib.

Tegitaankooda ayuu u sababeeyay in dadka deegaanka oo ka cabanayay dhibaatooyin iyo isbaarooyin u yaalay sida uu sheegay qeybo ka mid ah magaalada ciidamada dowladda, ay ka codsadeen inay halkaasi tagaan si culeyska ay uga qaadaan.

XS
SM
MD
LG