Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga oo Maanta Doorasho looga Dareeray


Xiisado ayaa ka jiray dalka Turkiga Sabtidii ka dib markii mudaharaadayaal cadhaysan oo Kurdiyiin ahi ay dalbadeen in baadhis buuxda lagu sameeyo weerar bambaano oo lagu qaaday isu soo bax xisbigaasi lahaa maalintii Jimcaha, waxaana goobtaas ku geeriyooday illa laba qof halka dad gaadhay illaa 100 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saaka ayaa dalkaas looga dareerayaa doorashada golaha baarlamaanka waxayna noqonaysaa doorashadii ugu adkayd ee dalkaas soo marta sannado badan, taas oo MAdaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu doonayo inuu wax ka bedel ballaadhan ku sameeyo dastuurka dalkaas.

Xisbiga Kurdiyiinta ayaa noqonaya kan go’aamin doona in Xisbiga Edogan hoggaamiyo ee Cadaaladda iyo Horumarku uu helo kuraasta uu doonayo ee baarlamaanka iyo inkale.

Haddii Madaxweyne Erdogan uu ku guulaysto doorashadan waxaa isbedel lagu samayn doonaa dastuurka taas oo madaxweynaha oo xilligan ah mansab sharafeed laga dhigi doono xafiis awood badan.

Doorashada Turkiga
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:12 0:00

XS
SM
MD
LG