Isku xirrada

Dagaallo Cusub oo ka Dhacay Xuduudda


Dagaalo ayaa maanta mar kale la sheegay inay ka dhaceen degaano u dhow xuduudda Soomaaliya iyo Ethiopia. Gaar ahaan tuulooyin u dhaxeeya degaanada Feer Feer iyo Shilaabe ee gobolka Qoraxey ee Gudaha Ethiopia. Deegaanada ayaa ku beegan inta u dhaxeysa degmooyinka Guriceel, gobolka Galduguud, iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalada maanta ayaa ka kala dhacay deegaano miyi ah oo hoos yimaada degmada shiilaabo ee gobolka qoraxeey.

Tiro aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa dhimashada dagaalkii maanta gaadhsiineysa ilaa 19 qof oo 5 ka mid ah ay ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulada Aabbaley oo ku taalla gudaha dalka Ethiopia isla markaana 20 KM Xuduudda Somalia u jirta.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Cabdi Sheekh Doon Cabdi, oo ka tirsan odayaasha deegaanka uu dagaalka ka dhacayo ee ku dhow Gobolka Galguduud.

XS
SM
MD
LG