Isku xirrada

Muran ka Taagan Shirkad Macdan ka Qodaysa Awdal


Toddobaadkan waxaa cabashooyin kala duwani ka soo baxayeen shirkad macdan ka qodaysa buurta Siimoodi ee Gobolka Awdal ee Somaliland ka dib markii is-maandhaaf uu dhex yimi dadka deegaanka iyo weliba shirkad Shiine ah oo halkaas macdan ka qodaysa.

Dad shalay loo xidhxidhay khilaaf ka dhashay cabasho ay dadweynaha deegaanka Baki ee gobolka Awdal ka muujiyeen shirkad shiine ah oo macdan ka qodaysa deegaankaas ayaa maanta la sii daayay. Dadkan oo tiradoodu gaadhaysay 23 qof ayaa la xidhay ka dib markii ay ka cawdeen in shirkaddaasi ay u diidday inay shaqo siiso dadka deegaanka, isla markaana aan cabashadooda waxba laga qaban.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan soo diray.

XS
SM
MD
LG