Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland: Gudd. Maxkamadda Sare oo la Ansixiyay


Xubnaha Labada Aqal ee Somaliland ee uu ka koobanyahay barlamanka Somaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee Somaliland.

Fadhigii maanta oo ay xaadireen 122 xildhibaan, ayaa 110 ka mid ah ay codadkooda ku ogolaadeen Garyaqaan Adan Xaaji Cali , oo dhawaan jagadaasi uu u magacaabay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.

Codeynta waxaa ka aamusay 11 xildhibaan mana jirin cid diiday.

Garyaqaan Adan Xaaji Cali Axmed ayaa jagadaasi loo magacaabay ka dib markii la eryay gudoomiyihii hore ee maxkamada sare.

XS
SM
MD
LG