Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shil 430 Qof Lagu La'ayahay Shiinaha


Shaqaalaha gurmadka ee Shiinaha ayaa sii wada maanta oo Arbaca ah baadi doonka in ka badan 430 qof oo la la’ayahay, ka dib markii Markab kuwa rakaabka qaada ah uu ku rogmaday warbiga la yirahdo Yangtze River.

Warbaahinta dowladda ayaa ku soo warameysa in 14 qof la soo badbaadiyay, tan iyo markii markabkan oo nooca tamashlaha loo raaca ah, oo waday dalxiisayaal waayeel u badan uu ku qalibmay wabigaasi Yangtz River. 18 qof ayaa dhimashadooda la xaqiijiyay.

Shaqaalaha gurmadka ayaa si aan kala go’o laheyn ugu shaqeynaya sidii markabka gadoomay dib loogu toosin lahaa si loo helo hadii ay jiraan dad ku dhex xaniban oo laga yaabo inay shilkan ka badbaadaan.

Shilkan ayaa yimid xillu cimiladu ay xumeyd, dabeylana ay dhacayeen.

Sidoo kale howshan gurmadka ayaa waxaa adkeeyay roobab xooggan oo dabeyla wata oo weli da’aya iyo qulqulka biyaha wabiga oo xowli ku socda , kuwaasoo markabka uga sii riixay ilaa iyo sadex KM halkii uu markii hore ku rogmaday.

Wakaalada Wararka u faafisa Shiimaha ee Xinhua (SHINWAA) ayaa sheegtay in 135 ka mid ah shaqaalaha gurmadka ee biyaha hoostooda quusa ay ilaa xalay ka shaqeynayeen si ey u helaan raq iyo ruuxa rakaabka maqan.

In ka badan 3,000 oo ciidamada dalkaasi ah iyo 48 markab ayaa sidoo kale ku lug leh howshan gurmadka baadi doonka.

XS
SM
MD
LG