Isku xirrada

War Deg-Deg ah

al-Shabab oo laga Qabsaday Toora Toorow


Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta ururka al-Shabaab ka qabsaday deegaanka Toora Toorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Maleeshiyada al-Shabab ayaa la sheegayaa inay ka baxeen deegaanka xalay, ka hor intaysan ciidanka huwantu halkaasi gaarin.

Saraakiisha ayaa sheegay in wax dagaal ah aanu halkaasi ka dhicin. Saraakiisha waxay kaloo sheegeen in deegaankan Toora Toorow uu ahaa saldhig ahmiyad weyn u leh ururka al-Shabaab.

XS
SM
MD
LG