Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA oo Wakhtiga u Kordhisay Sharciga Soomaalida


Wasaaradda Amniga Qaranka ee Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in dadka u dhshay Somalia ee sharci la’aanta amma sida ku meelgaarka ah u jooga Maraykanka loo ogolaanayo in sharci ku meel gaar ah loo kordhiyo muddo 18 bilood ah.

Arrinta ayaa saamayn ku yeelanaysa dadka Soomaalida ah ee aan haysn sharciga dalkan Maryaknka.

Xoghayaha aminga qaranka ee Marykanka Jeh Johnson ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku shaaciyay in dawladda Maraykanku ay ogolaatay in muddo 18 bilood ah loo kordhiyo sharciga ku meel gaar ah ee loo TPS dadka haysta dhalashada Soomaaliga ee ku sugan gudaha Maraykanka.

Sharci-yaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ka hawlgala gobolka Minnesota ayaa VOAda ugu warramay sharcigan iyo ahmiyadda uu leeyahay

Helista sharcigan ayaa u baahan in la soo buuxiyo codsiyo gaar ah oo loogu talagalay sida uu faahfaahinayo sharci-yaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi

Tallaabadan ayaa raja badan galinaysa dadka sida ku meel gaadhka ah u joogay Maraykanka

Dawladda Maraykanka ayaa go’aankan ku salaysa xaalaadda ka taagan Somalia oo aan imika saamaxaynin in hay’adaha socdaalka ee Maraykanku ay dadka bila sharciga ah ku celaiyaan wadankoodi ay u dhasheeen.

XS
SM
MD
LG