Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadka Ethiopia oo Doorasho u Dareeray


Saaka oo Axad ah waxa dalka Ethiopia ka bilaabanaya doorashooyinkii guud oo ay ka qeyb galayaan xisbiyo 50 kor u dhaafaya. Kuraasta baarlamaanka ee doorashada loo galayo ayaa gaaraya 547 kuri. Xukuumadda dalkaas ayaa sheegtay in dad ka badan 36 milyan ay codeyn doonaan.

Mucaaradka oo hadda hal kursi oo kaliya ka haysta baarlamaanka dalkaa ayaa sheegay in natiijadu iska caddahay oo xisbiga talada dalka haya ee EPRDF uu si weyn u guuleysan doono. Mucaaradka ayaa intaas ku daray in dawladdu ay caburiso oo ay ka horjoogsato waxyaabihii ay u sahli lahaa inay baarlamaanka kuraas ka helaan.

Dhinaca kale, xisbiyo ka dhisan Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa iyaguna qeyb ka ah doorashadan.

XS
SM
MD
LG