Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabab oo Weeraray Degmo Kenya ka tirsan


Dabley ka tirsan ururka al-Shabaab ayaa gudaha u galey degmada Yunbis oo ka tirsan waqooyi-bari Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dableydu ay gashay degmada Yunbis oo Garissa ka tirsan.

Wasaaradda arr. gudaha Kenya ayaa sheegtay in dableyda halkaasi laga saaray kadib markii ciidamada amnigau ay dagaal la galeen.

Dabelyda al-Shabaab ayaa halkaasi ka taagey calanka madow ee al-Shabaab.

Weriyaha VOA Maxamed Faarax Shire ayaa booqday degmada oo ka soo warramay xaaladdu siday tahay.

Warbixinta weriyaha hoos ka dhageyso.

Warbixinta Weerarka Yumbi
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:15 0:00

Al-Shabaab ayaa bishii hore weeraray oo gudaha u galay jaamacadda magaalada Garissa, halkaasina waxay ku dileen in kabadan 148 qof oo arday u badan.

al-Shabaab ayaa wacad ku maray inay sii wadi doonaan weerarada ay ku hayaan Kenya, iyago sheegay inay uga aargudanayaan joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG